Pohjois-Suomen
somalialainen
tukiyhdistys ry
Jaaliyada
Somaaliyeed ee
waqooyiga Finland

Y-tunnus: 2560874-1
                            

Click here to edit subtitle

MASHRUUC


Mashruuca soo bandhigida iyo ka qayb qaadashada arrimaha bulshada

(1.2013–6.2014).


Mashruuca ula jeedadiisu ay tahay, wanaajinta iyo ka qayb qadashada fursadaha wanaagsan.

Mashruuca waxaa maal geliyay midowga yurub (EU) qaybtiisa is dhexgalka bulshooyinka iyo gobalka Oulu.

Mashruuca dhaqangelintiisu waxay ku saabsantahay iskaashi laba dhinaceed ah oo ku saabsan is dhexgalka bulshooyinka taas oo ah:


Soo guurayaasha ku dhaqan gobalka Oulu wanaajintooda, horumarintooda, iskudarka iyo dhexgelidda bulshada finishka ah iyo siyaadinta dulqaadka dadwaynaha guud.


Mashruuca xooggiisu wuxuu ku saabsanayahay diyarinta iyo wax barasho noocyo badan iskugu jiro oo ku salaysan maamulidda ururada iyo wacyi gelinta dad waynaha.


Hadii ay jiraan fikrado dheeraad ah oo kusaabsan ujeedoyinka mashruucan, kaalay oo nala wadaag.


Qabanqaabiyaha mashruuca.

Juha Eskola

[email protected]


Ku xigeenka qabanqaabiyaha.

Marjo Isto-weller

[email protected]


URURKA


U JEEDKA IYO NUXURKA JAALIYADA U LEEDAHAY DADKA EEY METESHO


  • In ay isku xirto bulshada Somaliyed ee ku dhaqan woqoyiga Finland
  • In aan ka muuqano dalka aan ku noolnahay.
  • In la maqlo codkeena.
  • In aan raadsano xuquuqdeena iyo baahida aas aasiga ah ee ey helaan dad yowga kale ee ku nool dalkan
  • In aan metelno dadka Somaliyed muujino dhaqanka , Diinta iyo hidaha dadkeenu leeyahay
  • In aan muujino kartideena
  • In aan kordhino aqoonteena


ARIN JAALIYADA KU SAABSAN


Jaaliyada magaceedu waa Pohjois-Suomen somalialianen tukiyhdistys ry oo ka dhigan ururka Somaliyeed ee waqooyiga Finland, fadhigeedana waa magaalada Oulu. Waxaa la aas aasay bishii 12 sanadkii 2012, waxay ka koobantahay 12 xibnood oo kala ah gudi fulin iyo gole shuuro. Macluumaadka jaaliyada waxaad ka la socon kartaa website ka jaaliyada, boostada, telefoonka iyo shirka dadweenaha oo laqaban doono sanadkiiba mar.


KA MUUQO KA QEYB QAADO! SIDEE?


  • foomka codsiga buuxi si laguu la soo xiriiro
  • Lacagta jasenka bixi si aad u taakuleesid wax qabadka ururka - 10€ sanadkii
  • Shirarka ka qeeb qaado
  • Ururka kamid noqo oo isbadal keen
  • codee ama hala guu codeeyo
  • Gaarsii oo la wadaag wanaaga iyo aqoonta
  • Na keen oo aan wada dalxiis nee - leirit
  • wanaaji caruurteena
  • galgaceel iyo farxad muuji
  • Kalay oo fikradaada iyo wax qabadkaaga garsii bulshada somaliyeed.
Ad2